Berdaale,(insidesomalia.org)- Meydadka dad rayid ah oo ay si ula kac ah u laayeen Ciidamada Itoobiya ayaa laga helaymeel ilaa 2 km u jirta Degmada Berdaale ee Gobolka Bay ka dib markii gelinkii dambe ee shalay uu halkaasi ku qabsaday kolonyo ay wateen dagaal aad u xoogan oo ay kala hor yimaadeen xoogaga wax iska caabinta oo wadada u galay xili ay ka baxeen Magaalada Baydhabo.
Dadka ay dileen Ciidamada Itoobiya oo tiradooda lagu sheegay illaa 14 ruux oo rayid ah ayaa la tilmaamay in ay iskugu jireen dad reer miyi ah oo xoolo dhaqato ah iyo beeraley, kuwaasoo ku sugnaa hareeraha goobaha ay dagaaladu ka dhaceen ee ku yaala duleedka Degmada Berdaale, waxaana dadkaasi lagu aasay xalay qabuure ku yaala isla Degmada Berdaale ka dib markii ay goobta ka tageen Ciidamada Itoobiya oo sii watay safarkoodii.
Masuul uhadley Xoogaga wax iska caabibta Sheekh Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in weerarkaasi lagu qaaday Ciidamada Itoobiya ay iyagu ka dambeeyeen, isla markaana ay ka gubeen hal gaari oo uu sheegay in ay ku dhinteen askar Itoobioyaan ah.
Wuxuuna sheegey Mas,uulkaasi in dhinacooda ay labo nin kaga dhinteen dagaalkaasi.